Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ku dhaawacmay mid ka mid ah maleeshiyo beeleedka, halka dhowr kalana lasoo xiray.
Nabadoon Xaaji Xasan Kulmiye oo ka tirsan waxgaradka Baledweyne ayaa sheegay in dadka ku nool bariga Baledweyne ay qabaan in ciidamada Jabuuti la safteen maleeshiyo beeleedka iyaga kazoo horjeeda.
Dad badan oo kazoo jeeda bariga magaalada Baledweyne ayaa maanta dhigay debadbax ballaaran, waxaana la xiray wadooyin badan, sidoo kale waxaa albaabada loo laabaya gancsiga.
Maamulka gobolka Hiiraan iyo maamulka degmada Baledweyne ayaan weli ka hadlin weerarka lagu qaaday ciidamada AMISOM iyo debadbaxyada dhacay.
Deegaanka Deefow oo dhowr jeer oo hore dagaallo ka dhaceen ayaan weli xal laga gaarin, iyadoo beel ka mid ah Dir iyo Xawaadle ay halkaas ku dagaalamayaan.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.