
Marka (Mareeg)—Wararka laga helayo Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in Caawa Magaaladaasi laga maqlayo Rasaas xoogan oo u dhaxeysa labo Maleeshiyo Beeleed oo halkaasi ku dirirsan.
Rasaastan xoogeed waxey ka dhaxeysaa Xaafada Buulo-Jaan ee Magaalada Marka kadib markii maanta halkaasi uu Dagaal khasaaro kala duwan geystay ku dhexmaray labo Maleeshiyo Beeleed.
Wararka ayaa sheegaya in Dagaalkaasi ay ku dhinteen ugu yaraan 4 Ruux oo dhinacyadii Dagaalamay ahaa waxaana Dagaalka uu qarxay kadib markii labada Maleeshiyo midkood uu weerar ku qaaday kuwa kale ee ku sugan Xaafada Buulo –Jaan ee Magaalada Marka.
Xaalada Magaalada Marka ayaa lagu soo waramayaa in Caawa ay tahay mid kacsan maadama halkaasi ay ka socoto Rasaas Xoogan islamarkaana ay ku dirirsan yihiin labo Maleeshiyo Beeleed.