Mareeg.com: Maleeshiyada Shiicada ee weerarka ku ah magaalada Tirkrit ee ay ku badan yihiin dadka Suniyiinta ee dalka Ciraaq ayaa laga cabsi qabaa iney halkaas ka geystaan xasuuq aargoosi ah.
Madaxa Kurdiyiinta dalka Ciraaq, Masrur Albarazani ayaa sheegay inuu ka cabsi qabo in maleeshiyada Shiicadaha magaalada Tikrit ka abuuraan mushjikad ka badan tan ay abuureen Daacish.
20 kun oo Maleeshiyo Shiico ah iyo 3 Kun oo ciidamada Ciraaq ah ayaa ku duulay magaalada Takrit, waxaana Shiicadu ku goodisay iney u aargudayaan ilaa 700 askari oo u badnaa Shiico oo Dacish bishii June ee sanadkii hore ku xasuuqday Takrit.
Masrur Barazani ayaa sheegay in Shiicada taageerada ka hesata Iran ay fito qoloqolo ka buurayaan Ciraaq, taasina keeni karto in dhibaato cusub dhacdo.