Maleeshiyaad Maxaabiis kala baxay Xabsiga Gaalkacyo

Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa ay werar ku qaadeen Xabsiga Waqooyiga Gaalkacyo oo ay Puntland maamusho,iyaga oo ka careysan Nin ku heryb ah oo Ciidamada Puntland ay ku xireen Xabsigaas.

Ninka lagu xiray Xabsiga Gaalkacyo oo lagu Magacaabo Cabdala Axmed Guuleed ayaa waxaa la sheegay inuu dacweeyay mid kamid ah Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Puntland, kadib markii 22-ka Bishii lasoo dhaafay qoraal uu kusoo qoray Boggiisa Facebook uu ku Aflagaadeeyay Wasiirka.
Laamaha amniga Gaalkacyo ee dhinaca Puntland ayaa sheegay in Ninka la xiray ay soo qabteen Ciidanka amniga, isla markaana loo heysto dembi uu ka galay Wasiir ka tirsan Puntland,waxaana wararka la helayo ay sheegayaan in maleeshiyaadka ay ninkii la baden.

Xaalad kacsanaan ah ayaa Maanta ka jirta Waqooyiga Gaalkacyo,waxaana dadka qaar ay Mareeg.com u sheegeen inay ka cabsi qabaan in uu dhaco dagaal beeleed.

About Ardaan Yare 1749 Articles
Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga