Maleeshiyaad Macalin Dugsi Qur’aan ku dilay Walanweyn

Read Time:33 Second

Maleeshiyaad ku hubeysnaa Qoray AK47 ayaa waxaa ay weerar sababay dhimasho iyo dhaawac waxaa ay ka geysteen degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarka ayaa waxaa lagu dilay Macalin Dugsi Qur’aan oo lagu Magacaabi jiray Cusmaan Cirbad halka qof kale oo Shacab ahna uu ku dhaawacmay.

Qof kamid ah dadka kunool degmada Walanweyn,balse diiday in Magaciisa iyo codkiisa loo adeegsado Warbaahinta ayaa sheegay in arrintaan ay salka ku heyso aanooyin qabiil oo maalmahaan ka taagneyd degmadaasi Walanweyn,isla markaana dadkii ka dambeeyey falkaan ay baxsadeen.

Maamulka degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose weli kama hadlin dhacdadaan oo siweyn looga dareemay degmadaasi,waxaana dadka qaarkood ay sheegeen inay cabsi soo wajahday.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %