
Read Time:25 Second
Wararka ka imaanaya magaalooyinka Camaara iyo Bacaadweyn ayaa sheegay in ciidamada dowladda oo kaashanya kuwa Galmudug ay isku horfadhiyaan maleeshiyada Alshabaab deegannadaas, iyadoo xubno ka tirsan Al-shabaab ay isi soo dhiibeen.
Wasiirka warfaaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa VOA u sheegay in maleeshiyadan hadda lagu hayo baaritaano islamarkana la marsiin doono habraaca saxda ah ee maamulka.
Dhanka kale waxa uu sheegay wasiirka in ciidamada Galmudug iyo Kuwa DF iney sii wadaan howlgalada ka dhanka ah Al shabaab islamarkaana deegaano cusub ay la wareegeen.
Muqdisho-Somalia