Mareeg Media
Somalia

Maleeshiyaad dad Shacab ah ku diley Gobolka Galgaduud

Inta la xaqiijiyey hal ruux ayaa gteeriyooday mid kalena waa uu dhaawacmay,adkib markii Maleeshiyaad hubeysan ay rasaas ku fureen Dhalinyaro wada fadhiday hal goo boo ku taalla deegaanka Balli howd ee duleedka degmada Guriceel.

Qofka dhintay iyo midka dhaawacmay ayaa waxaa ay kamid ahaayeen dhalinyarada la rasaaseeyey,waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in maleeshiyaadka falkaasi geystay ay goobta ka baxsadeen.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dilka iyo dhaawaca dadka Shacabka ah uu la xiriiro aanooyin qabiil oo bilihii la soo dhaafay ay kajiray deegaano katirsan Gobolka Galgaduud ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Horay ayaa waxaa deeganka Balihowd ee duleedka Guriceel waxaa loogu dilay Saddex Ruux oo dadka deegaankaas kamid ahaa,waxaana arrintaasi xal ka gaaray Maamulka deegaanka iyo Odayaasha Dhaqanka Gobolka Galgaduud.

Soomaaliya ayaa waxaa ay kamid tahay meelaha ugu badan ay ka jiraan dagaal beeleedyada soo lab laabtay,hayeeshee Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay badi ku guuleysatay inay xal ka gaarto.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!