Jowhar– (Mareeg.com): Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarrunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in deegaan dhaca bariga magaaladaas lagu laayey dad fara badan, iyadoo arrintaas loo sababeynayo aano beeleed horay uga dhacday deegaano hoostaga Jowhar.
Ugu yaraan sideed ruux ayaa ku dhintay tiro kalan wey dhaawacmeen kaddib weerar maleeshiyo beeleed shalay gellinkii dambe ku qaadeen deegaan lagu magacaabo Jilliyaale oo dhaca bariga Jowhar, una jira 15km.
Weerarka ayaa la sheegay inuu daba socday dagaallo horay labo beelood ugu dhexmaray deegaano hoos yimaadda Jowhar, balse waan waan la sameeyey lagu qaboojiyey.
Dabley hubeysan oo gaartay deegaanka Jiliyaale ayaa la sheegay in ay soo ururiyeen dadkii ku noolaa deegaankaas kadibna rasaas ku fureen, waxaana dadka la dilay la sheegay in uu kamid ahaa macalinkii dugsiga Qur’aanka deegaanka Jiliyaale.
Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in xalay gaari marayey marayay deegaan aan ka fogeyn deegaanka Jiliyaale rasaas lagu furay oo dhaawacyo soo gaareen qaar kamid ah dadkii la socday.
Xiisad colaadeed ayaa laga soo sheegayaa deegaanada dhinaca bari ka xiga magaalada Jowhar, mana jiro wax war ah oo kazoo baaxay maamulka Shabeellaha Dhexe oo la xiriira weerarka ka dhacay deegaanka Jiliyaale ee dhinaca Bari ee magaalada Jowhar.
Saddex bilood ka hor ayaa heshiis la dhex dhigay labo beelood oo wada dega degmada Jowhar kadib markii ay dad iska dileen, hase yeeshee dilka maanta ka dhacay deegaanka Jiliyaale ayaa ah tiradii ugu badnayd ee hal mar fal aargoosi ah lagu dilo deegaanada Bari ee magaalada Jowhar.
Werarka maleeshiyaadkan ku qaadeen deegaanka Jilliyaale ayaa yimid xilli ay ciidamada maamulka, milateriga Soomaaliya iyo AMISOM ku adagtay iney dhaqdhaqaa sameeyaan, maadaama magaalada Jowhar ay go’doomiyeen daad kazoo rogmaday webiga Shabeelle oo fatahay.
Mareeg.com