Malaysiya oo qabta in rag Alshabaab ah guursadeen dumar u dhashay dalkeeda * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Malaysiya oo qabta in rag Alshabaab ah guursadeen dumar u dhashay dalkeeda

KUALA-LUMPUR – Mareeg.com: Dowladda Malaysiya ayaa rumeysan iney dalkeeda ku dhuumaaleysanayaan xunno ka tirsan Alshabaab, kuwaasoo weli guursaday gabdho u dhashay dalka, sidaas waxaa tebisay wakaaladda wararka dalkaas ee Bernama.

Wasiirka arrimaha gudaha Dr. Axmed Zaahid Xamiidi ayaa sheegay in boolisku uu ku dabajiro koox ajaabi hubeysan oo ku dhuumaaleysana dalka Malaysiya sida uu yiri.

Dr. Axmed Zaahid ayaa hoosta ka xariiqay in dabagalka lagu hayo kooxdaan hubeysan uu qeyb ka yahay xaqiijinta in Malaysiya aysan noqon saldhig lagu tababaro kooxaha mayalka adag.

Dowladda Malaysiya ayaa sheegtay iney rumeysan tahay in qaar ka mid ah kooxaha mayalka adag ee dalkeeda soo galay ay guursadeen gabdho reer Malaysiya ah.

Sida dowladda Malaysiya leedahay, kooxaha mayalka adag weli saldhigyo milateri kama sameysan dalkaas, hase ahaatee waxey xambaarsan yihiin afkaaraha kooxaha mayalka adag.

Wasiirka arrimaha gudaha Dr. Axmed Zaahid Xamiidi ayaa sheegay iney baarayaan in nin Soomaali ah oo khamiistii lagu xiray dalkaas uu xiriir la leeyahay 11 kale oo 28/4/2014 lagu qabtay dalka Malaysiya.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in kooxo mayaladag oo Soomaali ka mid tahay ay dalkiisa kusoo galeen qaab ardaynimo labadii sano ee lasoo dhaafay.

Dowladda Malaysiya ayaa shaki weyn ka qabta iney dalkeeda gelayaan koox wata afkaaraha jihaad doonka Suuriya, Soomaaliya iyo Koonfurta Philippines.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!