Maktabadii Soomaaliya oo Geeriyoodey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maktabadii Soomaaliya oo Geeriyoodey

Waxaa Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ku Geeriyoodey Qoraagii iyo udoodihii BulshadaRaiydka Dr Cabdiraxmaan Xuseen Samater ( Abuu Xamza “ oo qorey Buugaag badan.

Alaha u Naxariistee waxaa uu ahaa Qoraagii ugu Qorista Badnaa Qorayaasha Soomaaliyeed waxaa uu qorey ku dhawaad 40 Buug oo isugu jirey kuwa Cilmi ah kuwa Bulsho iyo Diinta islaamka.

Buugaagtii uu qorey waxaa ugu Muhiimsanaa Buugii laga daba dhacay ee “Saaxiibo Kasbo” oo uu Tarjumey waxaa kale uu qorey Buugii “Dhaaf Walbahaarka “ waxaa kale uu qorey Buugii Afartan Xadiis oo uu Soomaali u Turjumey , waxaa kale oo ka mid ahaa Buugaatiisa Buugii “ Hogaaminta Wanaagsan ” iyo Buugii ugu Magacdarey “Shirkii ugu yaabka badnaa ee Dunida” Waxaa ku Tilmaami Karaa in uu ahaa Maktabad

Waxa Halkaan Tacsi uga Diraya Axmed Maxamuud Dhicisow , Cismaan Xuseen Cismaan Niino, Amiin Yuusuf khasaaro, Maxamuud Yuusuf Culusow, Cabdinaasir Yuusuf Macalin, Cabdulaahi Shiikhaalow, Barre Shiikh CabdulaahI (Bangaladesh) Maxamed Axme d Siyaad ( Black), Cabdinaasir Xirsi Iidle, Cabdifitaax Macalin Nuur (Qays) Xasan Maxamed Daahi,Cabdirisaaq Salaad Maxamed, Cabdisamad Cabdulaahi Kaneeco,Cabdiladiif Xuseen Samater, Cabdiraxmaan Garta, Dhamaan Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ,Bahda Warfaafinta,Bahda Qorayaasha , Akadeemiyada AGA, Akadeemiyada Fanka Iyo Suugaanta Waxay tacsi u Dirayaan Qoyskii iyo Eheladii uu ka geeriyoodey Alaha u Cabdiraxmaan Xuseen Samater oo ku geeriyoodey Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya waxayna Ilaah uga baryeen in uu ka waraabiyo Janatul Fardowsa Qoyskiisana , Asxaabtiiisana samir iyo Aaaamiin

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!