Warar soo baxay ayaa sheegaya in Ilkacase uu u dhintay waxyaabo uu cabay, iyadoo ruux kale walxahaas la cabay uu la geeriyooday, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Booliska, ayna wadaan baaritaan.
C/llaahi Xiris oo ka tirsan madaxda TV Universal ee magaalada Muqdisho oo uu Ilkacase ka shaqeynayey ayaa sheegay in labo qof loo xiray tuhun la xiriira iney ku lug leeyihiin dareerihii uu cabay Ilkacase ee uu u geeriyooday.
Ilkacase ayaa ka mid ahaa Majaajiliistayaasha fara ku tiriska ahaa ee sanadihii colaadda ku noolaa magaalada Muqdisho.
Majaajiiliste Ilkacase ayaa noqonaya majaajiliistii u dambeeyay ee ku geeriyooday Muqdisho afartii sano ee u dambeysay iyadoo sanadkii 2012 la dilay Majaajiliiste Marshaale, halka sidoo kale ay xanuuno kala duwan ugu geeriyooday Cali Hiiraan iyo Qowdhan. Waxaa sidoo kale xilligaas ka hor Muqdisho ku geeriyooday C/llaahi Amiin Rooble (Ow-Kuu-kuu).
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.