Mahdi Guuleed iyo RW hore Kheyre oo kulan xasaasi ah yeeshay

Read Time:50 Second

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa xalay Magaalada  Garoowe kulan kula qaatay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre.

Kulanka u dhexeeyay Mahdi Guuleed iyo Kheyre ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashada dhacaya bilowday sanadkaan 2021, xili uu weli muran ka taagan yahay.

Labada Mas’uul oo kulankooda qaatay saacado ayaa iska xog-wareystay arrimo kala duwan iyo sida ay ku dhici karto doorasho nabad ah oo heshii lagu wada yahay, waxaana Mahdi uu guuleed uu u mahadceliyay RW hore Kheyre.

Xasan Kheyre iyo Mahdi Guuleed ayaa ahaa saaxiibo sanno soo wada shaqeeyay kahor inta uusan Kheyre iska casilin xilka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, mana jirin wax kulan toos ah oo dhax maray labada mas’uul markii xilka iska casilay Kheyre.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Xasan Cali Kheyre ayaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland uga qeyb galay Shirka sanadlaha ee Machadka Heritage oo looga hadlaayay xaaladda dalka iyo doorashada dhaceysa.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %