Mahad Xaaji oo ka jawaabay eedeyn kaga timid Aadan Madoobe oo sal iyo raad aan laheyn

Read Time:1 Minute, 49 Second

Abuukaate Mahad Xaaji oo horay u soo noqday Lataliyaha gaarka ah ee  Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ka jawaabay eedeyn uga timid Golaha Shacabka oo ay soo abaabuleen Aadan Madoobe iyo Xoghayiisa Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri.

Qoraal uu soo saaray Abuukaate Mahad Haji ayaa waxa uu ku soo bandhigay cadeymo waa weyn oo muujinaya in xilka uu isaga ka tagay kadib markii shaqo iyo codsi uu ka helay Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICC.

Mahad Xaaji ayaa la magacaabay 14-kii August 2022 waxaana uu shaqada ka tagay 6-tii Maarso 2023 sida ku cad Documentsyada magacaabista iyo shaqo ka tagista ee kasoo baxay xafiiska Gudoomiye Aadan Madoobe.

Xogo aan helnay ayaa sheegaya in ujeedka qoraalka laga soo saaray Abuukaate Mahad Haji iney tahay sad bursi iyo waliba in la sumcad dilo maadama uu yahay aqoon yahan jecel dalkiisa iyo dadkiisa.

Waxaa kaloo xusid mudan in sababta ugu weyn ee sidan ay u sameeyeen xoghayaha Golaha Shacabka iyo Aadan Madoobe iney tahay arrimo dhaqaale awaadeed oo ay doonayaan iney lacag ku cunaan mashruuc tababar oo la siin doono Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Mahad Xaaji ayaa soo qabtay xilal kala duwan oo waa weyn waana shaqsi ay ku weyntahay Soomaalinimada iyo waliba in dalka uu horumar lagu talaabsan karo gaaro isagoo wax baahi ah aan u qabin inuu Soomaaliya ka shaqeeyo ama dowlad Soomaaliyeed uu la shaqeeyo.

Hadaba Hoos ka akhriso qoraal uu soo saaray Mudane Mahad Haaji oo cadeymo wata:

Gudoomiye Adan Mohamed Nur wuxuu imagacaabey 14 August, 2022, Warqadda Umadeeda tahey: GSH068/B-11/22 oo waxaa uu ii magacaabey la taliyaha Gaarka ee Gudoomiyaha BJF..

Maar 5, 2023 Warqadda Sumadeeda tahey: XGGSH/0220/B11/22. Waxaa ka tagey Shaqada uu igmadey Gudoomiye Adan M Nur. Gudoomiye Adan M Nur, ayaa warqad u qorey Madaxweynaha ICC ee ASP isaga oo Gudoomiye ugu tahniyeynaya in Madaxweyne Silvia ICC in ay Mahad Ahmed Haji ay ka dhigatey La taliye uu yahey qof aad u wanaagsan. Aniga leygama ceyrin Baarlamaanka. Oo aniga ayaa ka tagey 6 March,2023.

Horn and East Africa Parliament Institute ma matalo Golaha Shacabka BJFS waa institute ay iska diiwaan geliyeen Xildhibaanada iyaga oo si sharci ah maraya si ay ugu faaiideystaa.

Muqdisho-Somalia

About Post Author

A warsame

Mareeg news Editor at large he can be contacted by news@mareeg.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %

Average Rating

5 Star
0%
4 Star
0%
3 Star
0%
2 Star
0%
1 Star
0%

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *