Mahad Salaad ” Hadaad 197 Xildhibaan heysataan miiska soo saarta codna aan ku kala baxno hadii kale saaxiiboyaalow masaajidka ciyaarta ka daaya!” * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Mahad Salaad ” Hadaad 197 Xildhibaan heysataan miiska soo saarta codna aan ku kala baxno hadii kale saaxiiboyaalow masaajidka ciyaarta ka daaya!”

Muqdisho (mareeg news)  Xildhibaan Mahad Salaad ayaa si kaftan leh uga hadlay shirarka ay magaalada Muqdisho ka wadaan xildhibaannada wada mooshinka guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

“mahad salaad ayaa yiri “197 Xildhibaan” ayaa maanta iskugu yimid kulankii qadada ahaa ee ay soo agaasimeen Wasiirada Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre!. Waxaan ugu bishaareynaynaa saaxiibadeen in Gudoomiye Jawaari aqbalay in cod loo qaado. Tirada ay u baahanyihiina ay tahay 184 cod oo kaliya..” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad oo qoraal kaftan ah ku weeray

Xildhibaanka ayaa talo kale u jeediyay xildhibaannada ka soo horjeeda Jawaari

isagoo yiri: “Saaxiibo yaalow intaad iska dhaaftaan buula-xuuftada qadooyinka, shirarka jaraa’id iyo nambarada beenta ah ee la isku dhufsanayo mooshinkiina miiska soo saarta, noona ogolaada inaan cod ku kala baxno. Maadaama tiradii aad u baahnaydeen mid ka badan aad haysataan sida aad isku sheegteen… HADII KALE SAAXIIBO YAALOW MASAAJIDKA CIYAARTA KA DAAYA!

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!