Golaha Wasiirrada ayaa markii ay dood dheer ka yeesheen soo jeedinta Wasaaradaha Caddaaladda iyo Arrimaha Gudaha iyo Federalka, waxay ansixiyeen saddexdaan guddi, kuwaas oo muhiim u ah in Soomaaliya la gaarsiiyo Higsiga 2016.
Wasiirka Caddaaladda Xukuumadda F. Soomaaliya C/laahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir) oo saxaafadda la hadlay ansixinta kadib, ayaa akhriyay magacyada 7 xubnood oo ku guuleystay iney ka mid noqdaan Golaha Adeegga Garsoorka, waxaana dhawaan lagu soo dari doona labada xubnood oo ka dhiman gudigaan.
4. Avv Shariif Sheekhunaa Maye Bulshada Rayidka ah.
5. Prof Ciise Axmed Warsame Ururka Garyaqaanada Soomaaliyeed.
6. Mudane Axmed C/laahi Xuseen Bulshada Rayid ah.
7. Sheekh Cismaan Ibrahim Axmed Bulshada Rayid ah.
Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federalka Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), ayaa dhankiisa sheegay in gudiyaadan qorshahoodu ahaa in la dhiso mudo 60 maalmood gudahooda sanadkii 2012 kadib markii la ansixiyey xukuumadii ugu horaysay, waxase maanta ku guulaysatay xukuumadaan iney ku dhisto gudiyadaan mudo bil gudaheeda, kadib markii ay magacowday horaantii bishii hore gudiyadii soo xuli lahaa. Waxaana labadaan gudi u tartamay 356 qof oo ka kooban qeybaha kala duwan ee bulshada.
Gudigaan markii la soo kala saaray ayaa maanta golaha wasiiradu waxaa la hor keenay 46 xubnood si looga soo dhex xulo 18 xubnood oo kala noqon doona gudiga madaxa banaan ee Doorashooyinka iyo Gudiga madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka. dood dheer kadib waxaa cod aqlabiyad ah lagu ansixiyey labadaan gudi oo hoos ku qoran:
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.