Magacyada xubnaha maamulka Somaliland uga qeybgelaya wadahadalka Turkiga * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Magacyada xubnaha maamulka Somaliland uga qeybgelaya wadahadalka Turkiga

Mareeg.com: Wafdiga Somaliland uga qeybgelaya wadahadalka ay la gelayaan dowladda Soomaaliya ayaa ka ambabaxay Hargeysa, iyagoo kusii jeeda magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Wafdigan oo uu hogaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis waxaa xubno ka ah Wasiirka Beeraha, Faarax Cilmi Geedole, Wasiirka Duulista iyo Hawada, Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Cabdi Aw Daahir, Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Golaha Wakiilada, Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Guurtida, Siciid jaamac Cali, Xildhibaan Kijaandhe iyo Xildhibaan ka socday Golaha Guurtida.

“Aniga iyo weftiga balaaran ee ila socdaa waxaanu u baxaynaa Turkiga oo shirkii Somaliland iyo dowladdii Xamar ka furmayo, soconayana Axadda iyo Isniinta, waxaana filaynaa inaanu guulo ka keenno” ayuu yiri Wasiirka arrimaha debadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha Hargeysa.

Wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya ayaan weli magacyadooda la shaacin, weli aan ka bixin magalaada Mqudisho.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More