Magacyada Xildhibaanada U Tartamaya Gudoomiyaha Iyo Ku Xigeenka Golaha Wakiilada Puntland

Read Time:1 Minute, 8 Second

Garowe, Mareeg.com: Ilaa 4 xildhibaan ayaaa isu soo taagay xilka gudoomiyaha golaha wakiillada Puntland, iyadoo doorashada gudoomiyaha iyo xku xigeenkiisa la qabanayo berri oo ku began 4/1/2014.

Xubnaha ilaa hadda la shaaciyey iney u tartamayaan xilka gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland waxey kala yihiin: 1-Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xirsi, 2-Xildhibaan Siciid Xasan Shire, 3-Xildhibaan Axmed Cali Xaaji iyo 4-Xildhibaan Cabdixakiim Dhooba-daareed.

Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xirsi ayaa ah guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland waxaana xilkaas loo doortay sanadkii 2008, wuxuuna baarlamaanka kasoo galay gobolka Mudug.

Xildhibaan Siciid Xasan Shire, wuxuu horay u nqoday wasiirka xannaanada xoolaha Puntland, wuxuuna kamid yahay xildhibaanada baarlamaanka kasoo galay gobollada Sanaag.

Xildhibaan Axmed Cali Xaaji, wuxuu horay uga tirsanaa baarlamaankii uu waqtigiisu dhammaaday, isagoo qayb ka ah 21 xildhibaan oo dib mar kale baarlamaanka cusub, wuxuuna baarlamaanka kasoo galay gobolka Sanaag.

Xildhibaan Cabdixakiim Dhooba-daareed, wuxuu isna ka mid ahaa baarlamaaankii hore, wuxuuna baarlamaanka kazoo galay gobolka Sanaag.

Waxaa dhanka kale jira xildhibaano u tartami doonaa xilka guddoomiye ku-xigeenka golaha wakiillada ee maamulka Puntland, waxaana xildhibaanadaas oo dhammaantood kasoo jeeda gobollada Bari iyo Gardafuuy kamid ah:

1-Xildhibaan C/risaaq Siciid Aadan oo baarlamaanka kasoo galay gobolka Bari. 2-Xildhibaan C/xamiid Sheekh C/salaam oo baarlamaanka kasoo galay gobolka Bari. 3-Xildhibaan Salaad Xareed Cali oo baarlamaanka kasoo galay gobolka Gardafuuy.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.