Magacyada Xildhibaanada Aqalka hoose ee maanta lagu doortay magaalada Kismaayo

Read Time:47 Second

Waxaa wali socota doorashada xubnaha kamidka noqonaya aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaaa Xildhibaanada ugu badan ilaa hada lagu doortay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.

Waxaa maanta magaalada Kismaayo lagu doortay shan Xildhibaan oo kamid noqonaya aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana Xildhibaanadan qeyb ka noqonayaan kuwa maamulka Jubbaland ku matali doona deegaanada maamulkaasi.

Xildhibaanada maanta la doortay waaa kamid ah Max’ad Cabdi Gaandi oo horey Wasiir uga soo noqday Xukuumadii KMG ee Soomaaliya, Gaandi ayaa sidoo kale dhawaan looga adkaaday doorashadii Aqalka sare ee ka dhacday magaalada Kismaayo

Halkan ka Aqriso Magacyada 5 Xildhibaan ee maanta Kismaayo lagu doortay

1. Max’ad Cabdi Gaandi

2. Xaawo Maxamed Aadan

3. Isaaq Aadan Xasan

4. Maxamed Aadan Macallin

5. Maxamed Xasan Idiris

Magaalooyinka Cadaado ,Baydhabo iyo Garawe ayaa sidoo kale waxaa ka socota Doorashada Xildhibaanada kamidka noqonaya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaana la filayaa in dhawaan lasoo gabo gabeeyo doorashada Xubnaha Aqalka hoose.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %