Magacyada Xildhibaanada Ahlusunna laga siiyey Galmudug oo la shaaciyey
Guddiga farsamada iyo dhismaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa Maanta oo Jimce ah shaaciyey liiska 20 Xildhibaan ee Ahlusunna laga siiyey Baarlamaanka Galmudug.
Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa lagu shaaciyey Magacyada 20-ka Xildhibaan,isla markaana algu sheegay in guddiga uu aqbalay soona dhaweynayo 20 Xildhibaan oo ay Ahlusunna soo gudbiyeen.
Sidoo kale Guddiga farsamada iyo dhismaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay sheegeen in ay haatan guda geli doonaan soo xulista tirada ka harsan Baarlamaanka Cusub ee Galmudug.
Comments are closed.