Magacyada Saxiixay Mooshinka Ka Dhanka Ah Saacid Oo La Aqriyey Iyo Jawaari Oo La Hadlay Baarlamanka

Read Time:1 Minute, 9 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa khudbad u jeediyey xildhibaanada iyadoo dhanka kale baarlamaanka laga horjeediyey magacayada saxiixay mooshinka oo ah 168.

Xildhibaan Khaalid Cumar Cali ayaa aqriyey mooshinka ka dhanka ah R/wasaare Saacid iyo xukuumadda, wuxuuna sheegay in xukuumaddu gudan weyday barnaamijkii Saacid baarlamaanka u gudbiyey 5/11/2012.

Xildhibaan Khaalid ayaa sidoo kale aqriyey magacyada xildhibaanada saxiixay mooshinka, waxaana durba bilowda buuq, waxaana gudoomiyaha baarlamaanku sheegay in la sugo dhameynta magacayada, kadibna xildhibaankii dood ka qaba uu gadaal kazoo gudbiyo.

Gudoomiye Jawaari ayaa u sheegay in xildhibaanada uga doodaan mooshinka laga keenay R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid sida soo socota:
1- Iney ka doodaan waxyaabihii laga raabay xukuumadda.
2- Iney ka doodaan waxyaabihii ay qabatay ama ay qaban weysay.
3- Iney ka doodaan waxyaabaha laga sugayo xukuumadda badeli doonta tan jirta haddii codka lagala laabto.

Gudoomiye Jawaari ayaa u sheegay xildhibaanada inaan la ogoleyn qeylo, sacab foori iyo mowduuca oo laga baxo.

Sidoo kale, Prof. Jawaari ayaa uga digay xildhibaanada ay khalad ku kacaan, wuxuuna si cad u sheegay in xildhibaankii khilaafkii xeerka baarlamaanka banaanka loo saarayo.

Wuxuu sidoo kale, Prof. Jawaari u sheegay warbaahinta in haddii buuq ka bilowdo gudaha baarlamaanka banaanka loo saarayo ilaa mudddo 10 daqiiqo ah oo ay banaanka joogi doonaan inta deganaashaha laga soo celnaayo.

Wixii soo kordha Kala Soco Mareeg.com Inshaa Allaah

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %