Magacyada 5 qof oo Kenya u xirtay weerarkii Gaarisa

Mareeg.com: Dowladda Kenaya ayaa shaacisay iney dad badan u qabqabatay xasuuqii Alshabaab ka geysteen Jaamaacadda Gaarisa todobaadki hore.

Warbaahinta Kenya waxey qoreen in 15 ruux loo xiray fududeynta weeraraas, waxaase la xusay magacayada ilaa 5 ruux;

Xubnaha la xiray waxaa ka mid ah:

1- Maxamed Aadan Saruurow oo la sheegay in hotelkiisa ay degeen raggii ardayda ku xasuuqay Jaamacadda.

2- Cusmaan Cabdi Dhaqane oo ka mid ahaa waardiyaasha Jaamacadda. Ninkaan waxaa boolisku ku heystaan inuu sawiray meydadka ardayda, lana hadlay taleefoono gudaha Soomaaliya ah.

3- Maxamed Cabdi Dhaqane.

4- Xasan Aadan Xasan

5- Sahal Diiriye Xasan, Saddexdaan nin ayaa Kenya u heysataa iney Alshabaab u gudbiyeen hubka lagu weeraray Jaamacadda Gaarisa.

Dadkaan la qabtay ayaa laamaha amaanku sheegeen iney ku hayaan baaritaan dheeraad ah, inkastoo aan weli la shaacin magacayada dadka kale ee loo xiray xasuuqa ka dhacay Jaamacadda Gaarisa.

Weerarkii khamiistii tagtay ka dhacay Jaamacadda Gaarisa ayaa waxaa ku dhintay 148 oo ay ka mid ah 4 Alshabaab ah oo Jaamacadda weeraray, waxaan dadka kale u badnaayeen arday.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245