Magacayada gudoomiyaasha cusub ee degmooyinka Banaadir & kuwii xilalka laga qaaday * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Magacayada gudoomiyaasha cusub ee degmooyinka Banaadir & kuwii xilalka laga qaaday

Muqdisho – Mareeg.com: Gobolka Banaadir wuxuu ka koobanyahay 16 degmo, waxaa dhamaan xilalkii laga qaaday 16-kii gudoomiye, waxaana la magacaabay 16 cusub iyo ku xigeenadooda, arrintaas waxaa ku dhaqaaqay gudoomiyaha xilligaan ee gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), kaasoo xilka loo magacaabay 27-kii Febaraayo 2014.

22-kii Maarso 2014 ayaa xilka laga tiriyey gudoomiyihii ugu horreeyey ee gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, kaasoo ahaa gudoomiyhii hore ee degmada Shibis, waxaana xalay 12 May 2014 xil ka wareejinta lagu soo khatimayey gudoomiyihii degmada Howl-wadaag.

Hadaba Mareeg Media, waxey akhristayaasheeda usoo koobtay magacayada gudoomiyaashii la badelay ee degmooyinka gobolka Banaadir iyo magacyada gudoomiyaasha cusub ee xilka la wareegay.

1- Shibis: Gudoomiyihii hore: Daa’uud Cabdule Maxamed, Gduoomiyaha cusub C/fataax Nuur Cali.

2- Hiliwaa: Gudoomiyihii hore: Cumar Cabdulle (Jacfaan), Gudoomiyaha cusb: Maxamed Axmed Xaashi.

3- Dharkeynley: Gudoomiyihii hore: Macallin Cali Hilowle, Gudoomiyaha cusub: Aadan Maxamed Cumar.

4- Kaaraan: Gudoomihii hore: Cali Calasow, Gudoomiyaha cusub: Axmed Xasan Yalaxow.

5- Wadajir: Gudoomiyihii hore: Axmed Xasan (Axmed Daaci), Gudoomiyaha cusub: Axmed Cabduule Afrax.

6- Hodon: Gudoomiyihii hore: Cabdi Maxamuud Warasame “Dhabarey”, Gudoomiyaha cusub: Cabdulqaadir Cali Kullane.

7- Boondheere: Gudoomiyihii hore: C/llaahi Xirsi (Istakiin), Gudoomiyaha cusub: Qaasim Xasan Cabduulle (Qaasim Dheere).

8- Xamarweyne: Gudoomiyihii hore: C/llaahi Sahal Gardhuub, Gudoomiyaha cusub: C/qaadir Maxamed C/qaadir “Carab”.

9- Cabdilcaziiz: Gudoomiyihii hore: C/llaahi Xuseen Xasan (Fanax), Gudoomiyaha cusub: Cusmaan Muxudiin Cali.

10- Dayniile: Gudoomiyihii hore: Xiirey Muxyiddiin Cumar, Gudoomiyaha cusub: iise Maxamuud Guure.

11- Xamar-jajab: Gudoomiyii hore: Maxamed Cali Axmed, Gudoomiyaha cusub: Axmed Cusmaan Dhoorre.

12- Waabari: Gudoomiyihii hore: Axmed Meyrre Makaraan (Axmed Faal), Gudoomiyaha cusub: Axmed Muxudiin Maxamed.

13- Shanagaani: Gudoomiyihii hore: Cali Cumar, Gudoomiyaha cusub: Saciid Cabdiqaadir

14- Warta-nabadda (Ex- Wardhiigley): Deeqo Cabdulqaadir Maxamed, Gudoomiyaha cusub: Yaasiin Nuur Ciise.

15- Yaakhshiid: Gudoomiyihii hore: Muxyidiin Xasan Jurrus, Gudoomiyaha cusub: Cusmaan Maxamed Cadaawe

16- Howlwadaag: Gudoomiyihii hore: Maxamed Abuukar Jacfar, Gudoomiyaha cusub: Axmednuur Cabdi Siyaad.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!