Magaca ninkii Soomaaliga ahaa ee Malaysiya u xirtay Shabaabnimo oo la helay

Read Time:51 Second

KUALA-LUMPUR – Mareeg.com: Ninkii Soomaaliga ahaa ee Khamiistii lasoo dhaafay ay xireen ciidamada amaanka dalka Maleysiya ayaa magaciisa la shaaciyey.

Warar dheeraad ah oo soo baxay ayaa sheegaya in ninka ay qabteen ciidamada Maleysiya ee 34-ka ahaa ee looga shakiyey inuu Alshabaab ka tirsan yahay uu magaciisu yahay Abuu Yaasir Almuqdishi.

Ninkaan ayaa ka mid ahaa dhawr qof oo la socdey markii Xasan Daahir Aways uu ka soo baxsadey Al-Shabaab, kadib dagaalkii dhexmarey Al-Shabaab dhexdooda ee lagu diley Macalin Burhaan iyo Ibraahin Afqaanistaan.

Waxaa jira warar sheegaya in ninkaasn ay mar qabteen ciidamada amaanka Soomaaliy, islamarkaana ay sii daayeen kadib markii ay su’aalo weydiiyeen.

Hay’adaha amniga ee Malaysia ayaa sheegey in ninkaani xiriir la lee yahay ama ka tirsan yahay ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya, Malaysia ma caddeyn waxa uu ka sameynaayey dalkooda iyo goorta uu tegey halkaas.

Malayasiya ayaa sheegtey in ninkaan ay baaritaan ku samaynayaan sababta uu Malaysiya u soo galay iyo waxa uu ka samaynaayey.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %