Dhageyso:-Magaalooyinka Waaweyn Ee Maamulka Somaliland Oo Amaankooda Aad Loo Adkeeyay

Maamulka Somaliland ayaa ciidamadii ugu badnaa geeyay Magaalooyinka waaweyn ee maamulkaasi Somaliland waxaana aad loo Aad  adkeeyay amaanka halkaasi.
Maamulka Somaliland ayaa walaac ka Muujiyey in deegnada mamulkaasi ay ka Dhacaan Rabshado ay samyeen dadka shacabka taas oo salka ku heysa taageero shacabka ay u muujinayaan Xisbiyada kala duwan ee degaanada Somaliland ka jira. 

Riix halkaan si aad u dhageysato Codka.

C/laahi Fadal Taliyaha Booliska Maamulka Somaliland ayaa Saxaafada u sheegay in ciidan badan la geeyay magaalooyinka waaweyn ee S/land waxaana ka mid ah Magalooyinka Hargeysa Burco iyo Berbera si amaanka loo adkeeyo maadaama maalmihii dambe ay bilawdeyn falal lid ku ah amaanka iyo kooxo isku hanjabaya oo kala taabacsan Xisbiyada kala duwan ee degaanada Somaliland ka jira.

About Xuseen Axmed 1576 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia