Magaalada Jowhar Oo Maanta Ay Ka Bilaabatay Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Magaalada Jowhar Oo Maanta Ay Ka Bilaabatay Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose

Waxaa maanta Magaalada Jowhar ee Caasimada maamulka Hirshabeelle ka bilaabatay Doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee matalaya maamulka Hirshabeelle waxaana maanta lasoo doortay 5 xildhibaan.

Doorashada ka dhacday maanta Magaalada Jowhar ayaa aheed mid aad u xiiso badan oo ay ku soo baxeen siyaasiyiin caan ah iyo kuwa hada ku jira dowlada Soomaaliya.

Xildhibaanada  la shaaciyay guushooda Doorashada, ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed, Faarax Sheekh C/qaadir, Khadiijo Maxamed Diiriye, Maxamed Xasan Ibraahim (Qoono), iyo C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Waxaa weli Gobolka dalka ka socda Doorashooyinka Xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka mid noqonaya dowlada soo socoto.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!