Magaalada ceelbaraf oo mar kale gacanta Alshabaab gashey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Magaalada ceelbaraf oo mar kale gacanta Alshabaab gashey

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in Kooxda Al Shabab ay saakay la wareegtay deegaanka Ceel Baraf Ee gobolka Shabeelada Dhexe kadib markii ay halkasi isaga baxen Ciidamada Dowlada.

Al Shabab ayaa dadka deegaanka ku kala hadlay halkasi iyaga oo galay dhowr guri oo looga shakisan yahay iney ku jiran Odayaasha dhaqanka ee deegaanka oo ay raadinayan Al Shabab.

Warar kale oo aan weli la xaqiijin ayaa sheegaya in Al Shabab ay weerar gaadmo ah ku qaaden Ciidamadii Dowlada ee halkasi ka soo baxay,waxana la soo sheegaya inuu khasaare xoogan jiro.

AMISOM ayaa saldhig ciidan ku leh deegaanka Ceel Baraf oo ay saakay galen Al Shabab,xaalada ayaana kacsan sida dadka deegaanka ay sheegayan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!