Madxweyne Xasan: Qofkii Isbaaro Lagu Helo Waa Waa Dil Toogasho Ah

Read Time:1 Minute, 12 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in qofkii lagu helo isagoo isbaaro dhiganaya lagu xukumi doonp dil toogasho ah, maaadama sida uu yiri Isbaaradu dhibaato weyn oo dil iyo dhaawac isugu jiro ku heyso umadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasna ayaa hadlaakan jeediyey xilli uu xalay madaxtooyada uga qeybgalay xuska 70-aad ee ciidamad booliska Soomaaliya, wuxuuna ciidamada booliska u sheegay iney wax ka qabtaan dhibaatooyinka.

Wuxuu madaxweyne Xasan dadkii xafladda ka qeybgalay ujeediyey iney saxiixaan dagaal lagu qaadayo isbaarooyinka ay dhiganayaan qaar ka mid ah askarta aman kuwa xirtay dharka ciidamada dowladda.

“Waxaa rabaa inaan halkan ka cadeeyo inaan wada saxiixno dagaal aan ku qaadeyno dadka taagan wadooyika, haduu askari dhab yaay, ama askari beeneed burcad ah ee dharka ciidanka wata ninka jidka taagan ee qori heysta waa dil toogasho ah” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan ayaa tilmaamay in kooxaha dhigtay isbaarooyinka ay halis ku hayaan nolosha dadka shacabka iyo isu socodka ganacsiga, wuxuuna yiri “Kooxaha Isbaaradah dhigta waxey dhibaato ku hayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool goobaha ay jid-gooyooyinka dhigteen iyo deegaannada ka fog-fog intaba, sidoo kalena waxay caqabad ku yihiin ganacsiga dalka, marka qofkii lagu arko waa dil” ayuu sidoo kale yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Inkastoo isbaarooyin muuqda aysan ka howlgelin Muqdisho, hadana waxaa jira qolooyin hubeysan oo si dadban lacago uga qaata gaadiidka, sidoo kale, waxaa isbaarooyin aan yareyn yaalla wadooyinka Muqdisho uga baxa dhanka Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %