Muqdisho, Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maanta baarlamaanka horgeeyo Ra’isul Wasaaraha dhawaan uu soo magacaabay Cabdi Weli Sheekh Axned si baarlamaanka Codka kalsoonida ay ugu qaado.
Madaxweynaha ayaa la filayaa in khudbad uu ku faah faahinayo waxyaabaha uu ku xushay Ra’isul wasaaraha magacaaban iyo waxa uu ka filayo in dalkani uu u qabto, iyo sida uu u doonayo baarlamaanka dalka in codka kalsoonida ay siiyaan Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamuud.
Sidoo kale, waxaa iyana la filayaa in Ra’isul Wasaaraha magacaaban uu baarlamaanka u jeedo khudbad la xiriirta qorshihiisa siyaasadeed, islamarkaana codka kalsoonida weydiisto baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaan Maxamuud Cumar oo ka mid ah xogheynada Barlamaanka oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa xaqiijiyay kulanka baarlamaanka uu ka yeelanayo kalsooni siinta Ra’isul Wasaaraha magacaaban C/weli Sheekh Axmed Maxamuud.
Kulanka maanta ee Baarlamaanka oo Codka kalsoonida loogu qaadayo Ra’isul Wasaaraha magacaaban ayaa waxa ay noqon doonaa mid gacan taag ah sida uu qabo qodobka 39-aad iyo 69-aad oo cadeynayo arrimaha la xririira kalsooni siinta Xukuumadda iyo Wasiirka Koowaad, wuxuuna u baahan yahay R/wasaaruhu inuu helo kala bar oo lagu adar hal codadka xildhibaanada.
Mareeg.com