Madoobe oo waqti kooban heysta in uu ku soo Magacaabo Golihiisa Wasiirada * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madoobe oo waqti kooban heysta in uu ku soo Magacaabo Golihiisa Wasiirada

Kismaayo ( Mareeg)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in muddo kooban ay ka harsantahay waqtiga la siiyay Madaxweynaha maamulkaas Axmed Madoobe in uu ku soo dhameystiro golaha Wasiirada maamulkaas.

Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland ayaa xusay in wax aan ka badneen muddo bil ah ay ka harsantahay in uu ku soo dhameystiro Madaxweynaha Jubbaland Golihiisa Wasiirada.

Sidoo kale guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland ayaa ka meesha ka saaray in uu jiri doono muddo kororsi kale ee loo oogolyahay Madaxweynaha maamulkaas.

Axmed Madoobe ayaa waxaa horay caqabad ay uga heysatay dhameystirka Wasiirada maamulkiisa qaar ka mid ah Odayaasha Jubbooyinka iyo Gedo oo oo muddo uu shir uga soconayay Magaalada Kismaayo, walow haatan ay heshiis wada gaareen.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!