Madoobe oo gaaray Magaalada Doolow ee Gobolka Gedo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madoobe oo gaaray Magaalada Doolow ee Gobolka Gedo

Hoggaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe ayaa maanta gaaray Magaalada Doolow ee Gobolka Gedo.

Axmed Madoobe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Doolow ku soo dhaweeyay Boqolaal shacab ah.

Inta uu dolow ku sugan yahay Axmed Madoobe ayaa waxaa uu halkaas kulamo kula qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee Bulshada halkaas.

Gobolka Gedo ayaan aad looga jecleyn Maamulka KMG ah ee Jubba ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Dhinaca kale Baarlamaanka Maamulka KMG ah ee Jubba oo maanta kulan yeeshay ayaa sheegay in aan dib loo dhigi doonin doorashada Maamulkaas   islamrkanaana bishaan gudaheed ay dhici doonaan.

Guddi Doorasho ayey sameysteen Baarlamaanka Jubbaland  kaas oo ku baaqay in Musharrixiinta dooneysa in doorashada ay ka qeyb qaataan ay isi soo diiwaan geliyaan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!