Madaxweynihii hore oo Galmudug oo baaq kasoo saarey dagaalka Mudug * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynihii hore oo Galmudug oo baaq kasoo saarey dagaalka Mudug

Cabdi Kariin Xuseen Guuleed Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug ayaa si kulul waxaa uu uga hadlay dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo maanta markale ka dhacay Bariga Gobolka Mudug.

Waxaa uu ku baaqay guuleed in maleeshiyaadka dagaalamay ay si deg deg ah u joojiyaan dagaalka,isla markaana aan wax faa’iidoah oo kordhineyn.

“Waxaa mar labaad baaq nabadeed u soo jeedinayaa beelaha walaalaha ah ee ku diriraya deegaanada Af-barwaaqo iyo Towfiiq, anigoo ka codsanaya inay xabadda deg deg u joojiyaan, gogol wadahadalna isugu yimaadaan ayuu yiri”C/Kariin Guuleed.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Waxgaradka Gobolka Mudug inay ka qeyb qaataan daminta colaadaas kuna baxaan, nabadna kala dhex dhigaan dadkaas walaalaha ah ee halkaas ku diriraya.

Khamiistii la soo dhaafay ayaa dagaalka uu ka dhacay duleedka degmada Afbarwaaqo ee Gobolka Mudug,waxana dagaalkaas ku geeriyooday 17 Ruux halka kan Maanta ay ku geeriyoodeen 20 Ruux.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!