Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Oo Baaq Culus Diray — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Oo Baaq Culus Diray

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ugu baaqay in ay dib u eegis ku sameyso mowqifka ay ku qaadatay in cunaqabateynta laga qaado dalka Eritrea.

Hadalka Xasan Sheekh waxaauu yimid iyada oo danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya uu isaga baxay Muqdisho isaga oo qoonsaday hadalka dowladda Soomaaliya ee cunaqabateynta looga qaadayo dalka Eritrea.

Hadal uu Xasan Sheekh ku qoray Boggiisa Facebook ayaa waxaa uu u qornaa sidan:

Waa tallaabo dhanka fiican loo qaaday haddii dowladda Soomaaliya ay hagaajineyso cilaaqaadka aan la leennahay dowladaha iyo shucuubta gobolka.

Hase yeeshe, shacabka iyo dowladda reer Jabuuti waxay naga mudan yihiin in aan dhowrno oo aan ugu hiillinno jiritaanka dalkooda iyo dowladnimadooda.

Suurtagal nagama aha in ay nala sahlanaato dhammaanshaha dhulka reer Jabuuti iyo geesiyaasha wali dagaalka lagu la’yahay.

Waxay naga mudan yihiin inaan ugu hiillinno sidii ay noogu hiilliyeen oo ay waligood noo garab taagnaayeen oo ay ugu dambeysay ragga iyo gabdhaha HIIL WALAAL ee naftooda Soomaaliya u huray. Dadnimada iyo damiirkuba waxay noo tilmaamayaan inaan laga abaal dhicin.

Bani’aadamka hadiyad uu bixiyo waxaa ugu qaalisan NAFTA. Reer Jabuuti xoog iyo xoolo kaliya naguma garab istaagin ee naf iyo dhiig ayey noo hureen.

Madaxdeennu ma isweydiyeen meeqa CARRUUR ah ayaa aabbayaashood ku waayay Soomaaliya. Sidoo kale meeqa MARWO AYAA SAYGII AY JECLAAYEEN ku waayay Soomaaliya ama meeq HOOYO ayaa wiilashii ay jeclaayeen ku waayay u hiillinta jiritaanka Soomaaliya.

Haddaba, Madaxda dalkeenna waxaan ugu baaqayaa iney dib u eegis dhab ah ku sammeeyaan MOWQIFKA ay ka qaateen arrimaha u dhaxeeya Jabuuti iyo Ereteriya.

Walaalaha reer Jabuutine waxaan leeyahay:

“HIIL WALAAL MA HUNGOOBO”.

Dowaldd Jabuuti ayaa sheegtay in ay ka naxday baaqa Dowladda Soomaaliya ee ah in cunaqabateynta laga qaado Eritrea iyada oo dhul iyo Askar u dhashay Jabuuti ay gacanta ugu jiraan Dowladda Eritrea.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!