Madaxweynihii Hore Ee Maamulka Ximan & Xeeb Iyo Horjoogihii Burcad Badeedda Gobollada Dhexe Oo Maxkamada Lagu Soo Taagayo Belgium-ka

Read Time:1 Minute, 43 Second

Brussels: Madaxweynihii hore ee maamula Ximan iyo Xeeb ee fadhiguusu yahay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud iyo horjooge caan ahaa oo ka mid ahaa hogaaamiyaasah burcad badeedda gobollada dhexe, balse ka baxay, laguna magacaabo Maxamed Cabdi Afweyne ayaa la filayaa in 30-ka bishaan maxkamad lagu taago magaalada Brussels ee dalka Biljamka.

Labadaan nin ayaa dhowr todobaad ka hor si shirqool ah loogu xiray dalka Biljamka kadib markii laga codsaday iney dalkaas uga qeyb qaataan jilitaanka filim la sheegay in laga sameynayo burcad badeedda.

Maxamed Cabdi Afweyne oo ka mid ahaa horjoogayaasha burcad badeedda ayaa loo sheegay inuu filimkaas wax ka jilayo, halka madaxweynihii hore ee maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed C/llaahi Tiiceey lo sheegay inuu uga qeyb qaadanayo qaab la taliye.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Biljimka Dr Cali Fiqi oo booqasho ku jooga wadanaka Holland ayaa markii ugu horeysay waxaa uu ka hadlay Xaalada labadaan nin.

Dr Cali fiqi ayaa waxaa uu sheegay in ay safaarada la socoto xaalka labada nin ee Tiicey iyo Afweyne una xilsaartay Qunsulka 1-aad, waxaana uu intaasi ku daray in qunsulka uuu booqday labadanin si fiicana uu u la socdo xaaladahooda.

Danjire Fiqi ayaa waxaa kaloo uu ka dhawaajiyey in magalada Brussels ay ku suganyihiin ehelada labada nin ee Maxameed Tiicey iyo Afweyne markastana ay booqdaan, iyadoo ehelka ay la socdaan qareenno uu sheegay in ay difaacayaan labada nin.

“Labada nin waa labo nin oo muwadiniin Soomaali ah waxaana u la soconaa si dhow waxaana ay ku suganyihiin Biljimka safaaradana xaalkooda waa ay la socon doontaa”ayuu yiri Dr. Cali Fiqi.

Xariga ayaa yimid kadib markii dowladda Biljimka mudo ka soo dhadhicineysay in ay ku jilaan Biljimka filim ka hadlayo burcad badeed nimada, waxaana loo diray labada nin viso marka ay Brussels ka soo dageena xabsiga la dhigay oo ila iyo hada ay ku jiraan.

Labadaan nin ayaa loo heystaa in ku lug lahaayeen falalka burcad badeednimada Soomaaliya, iyadoo Maxamed Cabdi Afweyne bilowgi sanadkaan degmada Cadaado ee gobolka Galgagaduud uga dhawaaqay inuu ka tanaasulay burcada badeednimada oo uu ku jiray 8 sano.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %