Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya oo kulan xasaasi uga socda Muqdisho

Read Time:34 Second

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa waxay xilligan ku sugan yihiin Hoyga Cali Mahdi, iyadoo shir albaabada u xiran kula leeyihiin.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegaya in kulanka looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo muranka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceya oo la isku heysto.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa sheegaya inay arkayeen Madaxweynayaashii hore oo ay galbineysay illaa sodameeyo kolonyo isugu jirtay gaadiidka dagaalka iyo kuwa aan xabadaha karin oo kaga yimid dhanka hoyga ay degan yihiin oo ku yaalla Garoonka diyaaradaha.

Dhaq dhaqaaqan ayaa u muuqda inuu yahay mid dhoolatus, iyadoo muddo saacado ah ay ka harsan tahay muddo xileedki sharciga ahaa ee Madaxweyne Cabdullaahi Farmaajo.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.