Waxaa la filayaa in mar kale lagu dhawaaqo maalinta uu sida rasmiga ah u furmi doono shirka, kadib markii uu Sabtidii dib u dhac uu ku yimid.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale kormeeri doonaa Xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb u diyaariyey in lagu qabto shirka maamulka loogu dhisayo Mudug iyo Galgaduud.
Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa wali ka soo horjeeda go’aanka Madaxweynaha uu ku magacaabay Caasimada Maamulka Gobollada Dhexe, waxaana la filayaa in arrimahaas xal laga gaaro oo ay iskula soo qaadaan labada dhinac.
Ciidankan, ayaa waxaa Garoonka Cadaado ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaraadda Arrimaha Gudaha iyo Federalka Somaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa).
Ciidamada Madaxtooyada Somaliya ka socdo, ayaa waxaa lagu wadaa inay ka qayb qaataan suggida ammaanka Magaalada Cadaado, maadaama Arbacada uu ka furmi doono shirka lagu doonayo in Maamulka Gobolada Dhexe lagu soo dhiso.
Ammaanka guud ee Magaalada Cadaado, ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana xaqiijinta amniga iska kaashanaaya Ciidamada Dowladda, Amisom iyo Xoogaga Maamulka Ximan iyo Xeeb.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.