Muqdisho, Mareeg.com: Maanta oo ay taaariikhuda ku beegan tahay 20-ka bisha December sanadka 2013, waxaa dalka Soomaaliya laga xusay sanad guuradii 70-aad ee kasoo wareegtay aasaaska ciidamada booliska Soomaaliya oo ku beegneyda 20-kii December ee sanadkii 1943-kii.
Munaasabado lagu xusayey maalintan ayaa kala dhacay magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Baledweyne iyo Gaalkacyo, waxaana munaasabadda ugu weyn lagu qabtay magaalada caasimadda ee Muqdisho.
Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay Fagaaraha dugsiga Tababarka General Kaahiye ee Muqdisho, waxaana halkaas socod ku maraay ilaa 1.500 oo ka mid ah booliska Soomaaliya oo soo bandhigay awooda ay u leeyihiin la dagaallanka dambiyada.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay munasabad lagu xusaayey sanad guuradii 70-aad ee ka soo wareegtay markii la aas aasay Ciidamada Booliska Soomaaliya, waxaana munaasabadda kala weybgalay wasiiradda arrimaha gudaha iyo gashaandhiga, xildhibaano, Taliyaha Ciidamada Booliska Jen. Saacid iyo Saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliya iyo masuuliyiin ka socotay Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo dowladda Turkiga.
Madaxweynaha ayaa salaam ka qaatay cutubyo kala duwan oo ka tirsan booliska qaranka, wuxuuna kula dardaarmay ciidanka inay labo-jibbaaraan howsha ay u hayaan bulshada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xarigga ka jaray saldhigga booliska Afar-Oridoodka iyo Taliska Booliska Soomaaliya (Commando Polizia).
Madaxweyne Xasan ayaa hadal kooban ku sheegay inuu u hambalyeynayo ciidamada booliska Soomaaliyeed, iyadoo aan goobta laga jeedin hadallo badan.
“Booliska Soomaaliyeed meel walba ay joogaan waxaan u dirayaa hambalyo waxaana maanta ay tahay maalin taariikhi ah. Waxaan Booliska kula dar darmayaa in ay howsha ay hayaan dalka ay laba jibaaraan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaa la filayaa in caawa Madaxtooyada lagu qabto munaasabad lagu xusayo laainta 20-ka December, islamarkaana madaxda dowladdu ka jeedin doonaan khudbado ku aadan maalintaan.
Mareeg.com