Madaxweyne Xasan Oo Raba In Raysul Wasaaraha Cusub Dardargeliyo Lix Qodob Oo Muhiim Ah

Read Time:1 Minute, 37 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa raba in R/wasaaraha cusub dardargeliyo 6 qodob oo muhiim ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu baarlamaanka u sheegay inuu ku kalsoon yahay R/wasaaraha cusub, isla markaana uu la iman doono barnaamijka xukuumadda oo faahfaahsan oo ay ku jiraan ilaa 6 qodob oo muhiim ah.

“Waxaan ku kalsoonahay in Cabdiweli uu sii dar-dar gelin karo dhammaan horumarka ballaaran ee aan sanadkii la soo dhaafay gaarnay, isla markaana uu la iman doono barnaamijka xukuumadda oo faahfaahsan, isla markaana qeexaya arrimahan:

1- Sida dalka loo gaarsiin karo doorsahooyin xor ah sanadka 2016;
2- Amniga iyo nabadeynta dalka;
3- Dib u habeynta Dastuurka; dhaqangelinta federaalka, asxaabta siyaasadeed iyo dhammaan howlaha muhiimka ah ee uu dastuurku na farayo;
4- Dhaqangelinta New Deal iyo dabagalka ballanqaadyadii beesha caalamka;
Dhaqangelinta go’aandii Shirweynayaashii Qaran ee waxbarashada, caafimaadka, garsoorka, xagjirnimada iyo aragtida fog ee 2016;
5- Dib-u-heshiisiinta iyo isgaarista maamulada dalka, Dhaqangelinta Heshiiskii Maamulka KMG ee Jubba;
6- Xoojinta xiriirka caalamiga; Hagaajinta maamulka maaliyadda; Iyo dhammaan howlaha muhiimka ah ee na horyaalla” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa xusay inuu Raysul Wasaare Cabdi Weli kazoo dhex xulay 70 musharrax, wuxuuna yiri “Waxaan jeclaan lahaa in aan u wada mahadceliyo dhammaan shaqsiyaadkii soo dalbaday xilka Ra’iisul Wasaare oo dhammaantooda muujiyey xilkasnimo iyo waddan jaceyl. Shaqsiyaad gaaraya 70 baa soo dalbaday oo labaatan ka mid ah aan waresyiyo la yeeshay, Farxad weyn bey i gelisay sida ay shaqsiyaadkii aan wareystay ay dhammaantood u wada muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin in ay dalka u adeegaan, Wareysiyadaas ka dib waxaan u gartay Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed in uu yahay shaqsiga aniga, baarlamaanka iyo hay’adaha dastuuriga kala shaqeyn kara sidii aan u xaqiijin laheyn in 2016 aan dalkan gaarsiino doorashooyin.”

243 xildhibaan oo soo codeeyey ayaa 239 ka mid ah codka siiyeen R/wasaare C/weli Sheekh Axmed, halka ay 2 xildhibaan ka aamuseen, 2 kalena diideen.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %