Madaxweyne Xassan oo Cadale gaarey "Sawiro" * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xassan oo Cadale gaarey “Sawiro”

987654321Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka degay, isagoo bilaabay inuu kulamo kala duwan la yeesho maamulka gobolka, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan bulshada degmada Cadale

Ammaanka degmada Cadale oo dhowaan ciidamada Dowladda u gacan gashay ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo ay iska kaashadeen ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqashadiisa degmada Cadale ay noqoneyso markii ugu horeysay tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha ayaa halkaasi waxa uu kula hadlayaa shacabka degan Cadale, isagoona halkaasi ka fulinaya ballanqaadyada xukuumadiisa u sameyneyso shacabka degmada Cadale.

Dhinaca kale waxaan idiin soo gudbineynaa hadba wixii warar ah ee ku soo kordha, iyadoo socdaalka Madaxweynaha la sheegayo inuu yahay mid uu ku tegayo dhammaanba degmooyinkii laga saaray xarakada Al-Shabaab oo ay ka mid tahay Raageceele iyo degmada Warsheekh.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!