Madaxweyne Xasasn: Shabaab weerarro hor leh ayay la damacsan yihiin Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasasn: Shabaab weerarro hor leh ayay la damacsan yihiin Muqdisho

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Alshabaab qorsheynayaan weeraro dheeraad ah oo ay la beegsadaan goobo ku yaalla Muqdisho.

Madaxweyne Xasan oo shalay khudbad ka jeedinayey Xarrunta Golaha Shacabka, ayaa tilmaamay in Shabaabku doonayaan iney Muqdisho ku laayaan dad badan, iyagoo sida uu yiri beegsanaya goobaha dadku ku badan yihiin.

Wuxuu madaxweynuhu ku amray goobaha ganacsiga ee muhiimka ah iney si weyn u hibiyaan amaanka, haddii kale la xiri doono sida uu yiri.

“Goobaha ganacsiga ee aan amaankoodu sugneyn waa la xiri doonaa, ciddi furaneysa goob ganacsi oo dadku isugu imaanayaan waa inuu amaanka xoojiyo” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Alshabaab ayaa dhowr jeer weeraray Hoteello ganacsi, iyo xarrumo dowladeed, waxaana weerar kasta ku dhintay dad farabadan.

Dhawaan ayay aheyd markii wasaaradda Amniga Gudahu sheegtay in Alshabaab qorsheeyeen weerarro ay ku qaadayaan Masaajidda, suuqayada iyo goobaha kale ee dadku ku badanyihiin.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.