Madaxweyne Xasan “Xukuumada shaqadeeda waa socon weyday, Baarlamaanka waajibka saaran waa in….” * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan “Xukuumada shaqadeeda waa socon weyday, Baarlamaanka waajibka saaran waa in….”

Mareeg.com-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Xukuumada Soomaaliya shaqadii loo dhiibay ay socon weyday, isagoo ugu baaqay Baarlamaanka inuu keeno Xukuumad shaqeyneyso.

Wareysi uu siiyay Madaxweynaha Warbaahinta dowladda ayuu sheegay in loo baahan yahay in waxyaabaha lagu kala duwan yahay in si sharci ah loogu kala baxo, isla markaana loo ogolaado Hey’adaha dowladda inay shaqeeyaan.

“Xukuumada shaqo loo dhiibay shaqadeeda waa socon weyday, hadey socon weyday waajibka baarlamaanka saaran wuxuu yahay inuu hubiyo Xukuumadaas inay shaqeyso, hadey shaqeyn weysayna mid shaqeyso inuu Baarlamaanka keeno laga rabaa, hadii sida lagu kala duwanaado si lagu kala baxo ayay leedahay iyo meel lagu kala baxo”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in mushikada Soomaaliya ka jirta ay ka weyn tahay in loo sifeeyo shaqsi iyo koox gaar ah, waxaana uu xusay in laga soo gudbay xilligii sharci la’aanta, isla markaana ay Soomaaliya hey’adaheeda tahay mid nidaam iyo sharci leh oo la rabo inuu shaqeeyo

“Aan u ogolaano Hey’aduhu inay shaqeeyaan, shaqsi ma ahan in mushkilada Soomaaliya ka jirta in loo sifeeyo ama koox, waxaas waa ka soo gudubnay, Soomaliya Hey’adaheeda nidaam iyo sharci ayay leeyihiin inay shaqeeyaan ayaa la rabaa, Baarlamaanka haloo ogolaado inuu shaqeeyo, oo uu shaqadiisa qabsado”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliya loo baahan yahay inay ku kalsoondaan hey’adaha dowladda, waxaana uu tilmaamay in wixii mushkilad lagu xalinayo baarlamaanka gudihiisa ama Golaha wasiirada, ama Maxkamad, balse aan loo baahneyn in buuq la galo

“Waxaa rabnaa in wixii mushkilad in lagu xalin karo Baarlamaanka dhexdiia, Golaha wasiirada lagu xaliyo, waxaa u baahanahay inaan Maxkamad u qaadno, laakiin hadii aan diido hey’adaheena inay shaqeyn waayaan, marka waxa waaye inaan buuq galno, fowdo inaan is dilno, waxaas shalay ayaa ka nimid, hey’ado la’aanta waxay tahay waa soo aragnay”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb galay shirkii Copenhagen ayaa u sheegay Beesha Caalamka in wixii khilaafaad ee jira loo baahan yahay in Soomaaliya dhexdeeda ay xalisato, oo aan loo baahneyn in dibada loo aado.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa sii xoogeystay, kaasoo hareeyay Baarlamaanka iyo Xukuumada, waxaana la filayaa in xal laga gaaro kama dambeys todobaadka soo socda, maadaama ay socon waayeen dadaaladii la doonayay in la isugu soo dhoweeyo labada mas’uul, iyadoo loo balansan yahay in Baarlamaanka lagu kala baxo ama is bedel kale inuu dhaco.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!