Madaxweyne Xasan: Weerarka maanta wuxuu muujiyey in Shacabku uusan xiriir la laheyn Alshabaab

Read Time:1 Minute, 8 Second

Mareeg.com: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyey weerarkii qaraxyada ee Alshabaab maanta la beegsadeen hotel ku yaala magaalada Muqdisho, kaasoo lagu dilay dad fara badan oo Mas’uuliyiin sarsare ku jiraan.

“Aad baan uga xumahay in kooxaha nabadda ka soo horjeeda ay mar kale dad Muslimiin ah oo waajibka salaadda Jimcaha gudanaya ay ku weerareen masjid hoteelka Central ku dhex yaalla. Ilaahay ha u naxariisto inta ku dhimatey, kuwa ku dhaawacmeyna waxaan Ilaah uga baryayaa inuu degdeg caafimaad buuxa u siiyo.” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in weerarkani aanu dib u dhac ku keeni Karin hawlaha dowladda iyo dadaalka nabada lagu sugayo, isla markaana la sii wadi doono dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada iyo kuwa kale ee ka soo horjeeda xasilooni ay Soomaaliya hesho.

“Waan sii wadeynaa dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Waxaana hubaa in weerarkan uu mar kale u caddeynayo shacabka Soomaaliyeed in kooxaha magaca diinta sida khaldan ugu gambanaya aysan wax xushmad ah u ahayn diinteena saliimka ee Islaamka ee nabadda ina fareysa, iyagoo dilaya dad Muslimiin ah oo ana waxba galabsan. Ciidammadeena amniga oo kaashanaya ciidammada nabad ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM), iyo shacabka marnaba joojin maayaan dagaalka kooxahaasi ka dhanka ah, ilamaa Soomaaliya ay nabad buuxda ka hesho’’, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqey shacabka inay sii wadaan gacansiinta iyo la shaqeynta laamaha amniga.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %