Muqdisho, Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay xaqiijinta xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.
War-saxaafadeed kazoo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ah ay ka go’antahay horumarinta xaquuqda aadanaha, islamarkaana ay dowladdu ku dadaaleyso yareynta falalka ka dhanka ah xaquuqda aadanaha.
“Waxaan doonayaa inaan ku celiyo sida ay dawladda uga go’an tahay iney difaacdo xuquuqda aadaanaha, waxan ka shaqeynaynaa sidaan u gaari lahayn in Soomaaliya ay noqoto meel aysan ka dhacin xad gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kazoo baxayxafiiska warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya.
“Waxaan u taagan nahay inaan u dhaqan gelino xuquqda aadanah sida uga wanaagsan, talaabooyin ficil ah oo la xiriirta arrinta xal ka gaaristeeda ayey dawladda hore u qaaday. Sharciyo la xiriiri xuquuqda aadanaha waa la sameeyey, dawladda ajendaheeda siyaasadeed ayaa ah iney wada oo taageerto sharciyadan” ayaa sidoo kale lagu yiri War-saxaafadeedka.
War-saxaafadeedka ayaa loogu baaqay shacabka in ay muujiyaan doorka uga aadan horumarinta xaquuqda aadanaha, iyadoo la shaaciyay in gabood falllada ka dhanka ah xaquuqda aadanaha aysan Soomaaliya boos ku lahayn.
War-saxaafadka kazoo baxay xafiiska madaxtooyada Soomaaliya ayaa kusoo beegmay xilli maanta oo kale 10-ka December caalamka oo dhan laga xuso Maalinta caalamiga ah ee xuquuqda bini’aadamka oo ku asteysan 10-ka December.
Mareeg.com