Madaxweyne Xasan: Waxaa Naga Go’an Horumar Amaan, Dowlad Wanaag Iyo Cadaalad * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan: Waxaa Naga Go’an Horumar Amaan, Dowlad Wanaag Iyo Cadaalad

Addis Ababa – Mareeg.com: Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka qeyb-galay Shirka Madaxda Midowga Afrika oo maant furmay, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay go’antahay iney gaarto horumar dhanka amniga, dowlad wanaagga, cadaaladda iyo horumarka dhaqaalaha.

Wafdigan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arimaha Dibadda Abdirahman Ducaalle Beyleh, Wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Sheekh Xasan, Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdullahi Goodax Barre, Safirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya Axmed Cabdisalaan Adam, iyo la taliyayaal ka tirsan Madaxtooyada.

“Soomaaliya waa in ay shirkaan ka gaarto danaheeda gaarka ah ee ku aadan dhanka amniga. Waxaa farxad u ah shacabka Soomaaliyeed in sanad walba sanadka ka danbeeyo uu dalkeena kasoo baxayo mugdigii uu ku jiray. Waa inaan sii wadnaa dadaalkaan ilaa iyo inta aan ka gaareyno Soomaaliya oo nabad ah isla markaasna horumarsan.” Ayuu yiri madaxweyne Xasan.

“Walaaleheyga, Afrikanka ah waxaan leeyahay Soomaaliya wey ka go’an tahay in ay si dhab ah uga gaarto hiigsiga ajendada 2063. Waxaan rabnaa in ay Soomaaliya si dhab ah horumar uga gaarto dhanka amniga, dowlad wanaagga, cadaaladda iyo horumarka dhaqaalaha.” Ayuu sidoo kale yiri Xasan Sheekh.

Shirka Madaxda Midowga Afrika ayaa waxaa la soo af-jarayaa berrito. Madaxweynahana wuxuu kulamo la qaadan doona madax kala duwan si uu u xoojiyo xiirika Soomaaliya kala dhaxeeyo dalalka kale.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!