Madaxweyne Xasan: Waxaa jira wasiiro hore oo aan looga maarimin xukuumada cusub! * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan: Waxaa jira wasiiro hore oo aan looga maarimin xukuumada cusub!

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in qaar ka mid ah xubnaha xukuumaddii dhacday aan looga maarimin xukuumadda cusub.

Madaxweyne Xasan ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabaddii ay xilka kula wareegayeen RW hore C/weli Sheekh Axmed iyo RW cusub Cumar C/rashiid Cali Sharmarke.

“Rag iyo dumar badan oo aan looga maarmin xukuumadda cusub ayaa jira, qof kastana waxaa lagu qiimeyn doonaa shaqadii uu qabtay” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu xantaa inuu sameeyo nin jecleysi, islamarkaana ay jiraan rag mar kasta uu doonayo iney xukuumadaha ka mid noqdaan.

Qaar ka mid ah ragga saaxiibada la ah Madaxweyne Xasan ayaa sabab u ahaa ridista xukuumaddii RW C/weli, waxaana la filayaa in ragaas mar kale kasoo muuqdaan xukuumadda cusub.

Mareeg Media

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!