Madaxweyne Xasan: Kooxo Danley Ah Ayaa Sii Hurinaya Colaadaha Sookeeye, Tilaabo Adag Ayaana Laga Qaadayaa * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan: Kooxo Danley Ah Ayaa Sii Hurinaya Colaadaha Sookeeye, Tilaabo Adag Ayaana Laga Qaadayaa

Muqdisho, Mareeg.com: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa ka hadlay collaadaha iyo dagaalada ka soo cusboonaaday deegaano ka mdi ah Soomaaliya oo gobolka Shabeellaha Hoose ugu horreeyo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, wuxuu nasiib darro ku tilmaamay dagaallada sokeeye ee kusoo laalabtay gobolka Shabeellaha Hoose, wuxuuna ku baaqay in deg deg loo joojio.

“Waxaan marka hore tacsi u direynaa dhammaan shacabkii ay waxyeeladu ka soo gaartay dagaalada, waxaa nasiib daro ah in deegaanada qaarkood ay dagaalo sokeeyo ka dhacaan, gaar ahaan deegaanada gobollada Shabeelaha Hoose, Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waana in si deg-deg ah loo joojiyaa dagaalada iyo collaaadaha, lana qaataa nabadda ay dowladdu hormuudka ka tahay” ayuu yiri madaxweyne Xasan

Madaxweyne Xasan ayaa tilmaamay iney jiraan qolooyin ka faa’iideysanaya dagaallada, wuxuuna yiri “Waxaa jira kooxo ka faa’iideysanaya collaadaha oo sii horinayo, ujeedadooduna ay tahay in la wiiqo horumarka nabadeynta ee dowlad dhisidda.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ku nuuxnuuxsaday sida ay dowladdu uga xuntahay dagaallo soo noq-noqda oo dhiig ku daata, waxuuna yiri “Dagaalka shacabka dhexdiisa ah waa arrin aan loo dulqaadin karin, waxeyna fursad siineysaa dhammaan inta diidan nabadda iyo horumarka. Qaswadayaashana tallaabo adag ayaa laga qaadayaa. Waa inaan wadajirkeenna iyo isku xirnaanteenna adkeynaa oo aan khilaafkeenna ku xallinaa si nabad, wadahadal iyo dib u heshiisiin.”

Madaxweyne Xasan wuxuu sheegay iney deg deg u joojinayaan dagaalka, wuxuuna yiri “Dowladda waxaa ka go’an in si deg-deg ah ay u joojiso dagaalada iyo collaadaha, isla markaana cid allaale iyo cidii is hortaagta nabadeyntana laga qaadi doono tallaabo cad cad oo sharciga waafaqsan. Siyaasadda Dowladda ayaa ah in khilaaf kasta oo jira lagu xaliyo si nabad, wadahadal iyo dib u heshiisiin ah.”

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii u diray baaq Odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada, ururada bulshada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan joojinta dagaalada iyo collaadaha oo ay dowladda kala shaqeeyaan nabadeynta, fududeynta wadahadalka iyo dib-u-heshiisinta ka socota deegaanada dagaaladu ka dhaceen.

Sidoo kale shacabka waxaan ka codsaneynaa inay dowladda la shaqeeyaan oo qaswadyaasha aan meel uga soo wadajeesano, bacdamaa ay diidan yihiin in dalka uu ka hirgalo dowladnimo, kala danbeyn iyo sharci.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa todobaadkaan dhowr jeer ka dhacay dagaal u dhaxeeya labo beeleedo, kuwaasso dowladda Soomaaaliya labo jeer ooh ore colaadooda dadaal nabadeed ku qaboojisay.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!