Madaxweyne Xasan: Waa Inaan Macalimiinta Siinaa Ixtiraamka Iyo Sharfka Ay Naga Wada Mudan Yihiin

Read Time:1 Minute, 24 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Shalay oo aheyd 21-ka November 2013 waxaa meelo ka mid ah dalka Soomaaliya laga xusay maalinta macallinka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo ka hadlay maalinta macallinka Soomaaliyeed oo ku beegan maanta (21-ka November) ayaa sheegay inay macallimiinta aasaas adag u dhigeen waxbarasho tayeysan oo lagu dhisayo mustaqbalka ubadka, loogana hor tagayo fikradaha xagjirka ah, wuxuuna xusay inay diyaar u yihiin macallimiinta inay hoggaamiyaan nolol wanaagsan oo horumar leh.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud oo maalinta Macallinka ka hadlayey ayaa aad u ammaanay doorka macallimiinta Soomaaliyeed ay ka qaataan horumarka iyo Isbedelka Dalka oo uuna yiri “Macalinku waa Nolosha Dalka.”

Madaxweynahu waxuu yiri “Macallimiintu waxey aasaas adag u dhigeen mustaqbalka dadka soo koraya oo helay waxbarasho tayeysan, oo ay ka hortageen fikirka xagjirka ah, isla markaana ay diyaar u yihiin inay bulshada ku hoggaamiyaan nolol wanaagsan.”

“21-kii November ayaa waddanka laga xusaa maalinta Macallinka oo taariikh weyn ku leh Soomaaliya, dalku waxuu galay marxalad nabad ah oo tusaale u ah sida macalinka iyo waxbarashada ay uga adkaaneyso collaadaha iyo rabshadaha” ayuu sidoo kale yiri madaxweynaha Soomaaliya.

“Macallimiintana waxey door muhiim ah ka soo qaateen sidii dalku uga dhici lahaa isbedel dhanka nabadda ah oo laga soo kabanayo collaadihii. waxbarashada in muddo ah baan ku soo jirey oo qeyb weyn oo nolosheyda ah aan bahda waxbarashada ahaa, waana inaan macalimiinta siinaa ixtiraamka iyo sharfka ay naga wada mudan yihiin.” ayaa ka mid ahaa hadalka madaxweynaha.

“Fikirka xagjirka ah waxaa lagula dagaali karaa iyadoo waxbarasho tayeysan la siiyo caruurta Soomaaliyeed” ayuu sidoo kale yiri madaxweyne Xasan.

Sanad kasta 21-ka November ayaa Soomaaliya laga xusaa maalinta macallinka tan iyo sanadkii 1974-kii oo la asteeyay maalintaas.

Mareeg.com

Happy
Happy
100 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %