Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Mareykanku suurtagelisay in dib loo aasaaso ciidamada milateriga Soomaaliya.
“Waxaan u mahad celineynaa dowladda Mareykanka oo suuragelisay in dib loo aasaaso milateriga Soomaaliya oo aan jirin, dedaal badanna ku bixisay ciidamada” ayuu yiri madaxweyne Xasan oo sidoo kale u mahad celiyey dowladda Uganda.
Madaxweyne Xasan oo la hadlay ciidamada la tababaray iyo saraakiisha milateruga ayaa u sheegay hogaanka ciidamada inaan saraakiisha lagu darin dad aan u qalmin.
Ciidamada maanta tababarka loogu xiray xerada Jazeerada ee Muqdisho ayaa ka koobnaa in ka badan konton sarkaal iyo boqolaal ka tirsan ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.