Madaxweyne Xasan: Tilaabo Adag Ayaa Laga Qaadi Doonaa Ciddii Tacaddi Kula Kacda Dumarka

Read Time:1 Minute, 47 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xerada Xalane ee ah saldhiga ugu weyn ee ciidamada AMISOM uga qeybgalay soo afmeeridda siminaar loo qabtay dumar, kaasoo lagu baranayey sida dumarku uga qeyb qaadan karaan ka hortaga tacadiyada haweenka iyaga ka dhanka.

Waxaa sidoo kale, munaasabadda ka qeybgalay Wasiirka horumarinta adeega bulshadda Soomaaliya Maryan Qaasim Axmed, Wakiilka ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicolas Key, Safiiradda dalalka Talyaaniga iyo Sweden u fadhiya Soomaaliya, madax ka socotay ka Midowga Yurub, Midowga Afrika, haween iyo marti sharaf kale.

Madasha kulanka uu ka socday oo hadalo kala duwan laga soo jeediyay ayaa waxaa dhamaan dadkii halkaasi ka hadlay oo ay ka mid aheyd Ruqiya oo ah haweenkii barnaamijkan mudada uu socday soo qaban qaabisay ayaa waxa ay sheegtay in haweenka Soomaaliyeed dhinacyo fara badan ay ka liitaan loona baahanyahay in dhinacyada ay ka liitaan laga taageero.

Qaar ka mid ah haweenkii ka kala yimid gobollada dalka ee kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay inay wax badan ka faa’iideen kulanka, ayna taageerayaan in haweenka lagu gacan siiyo ka shaqeynta horumarka dalka.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicolas Key oo kulanka mudadii uu socday xafiskiisa uu soo qaban qaabiyay ayaa isna u mahadceliyay kasoo qeyb galayaasha kulanka maanta iyo haweenkii sminaaarka mudada uu socday ka qeyb qaatay.

Wasiirka horumarinta adeega bulshadda Soomaaliya Drs Maryan Qaasim Axmed ayaa sheegtay in haweenka Soomaaliyeed dhibaatooyinka heysta qaarkood ay kala kulmaan qabaa’iladda Soomaaliya, taasina looga gudbi karo oo keliya in haweenku ay gacmaha is qabsadaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliyeed ay diyaarineyso qorshe lagu daryeelayo sidii haweenka Soomaaliya dhibaatooyinka looga badbaadin lahaa.

Madaxweynaha ayaa xusay in dowladdu dhisi doonto Isbitaal lagu daweeyo haweenka tacadiyada loo geysto, wuxuuna yiri “Dowladdu waxa ay hirgelin doontaa isbitaal gaar ah oo lagula tacaalo haweenka la kufsado ee dhibanaha ah, talaabo ayaana laga qaadayaa cidii falalka nuucaasi oo kale lagu helo”.

Soomaaliya ayaa waxaa weli ka jira tacadiyada lagu kaco dumarka oo kufsigu ugu weynyahay, waxaana ilaa hadda aan la heyn xal wax ku ool ah oo lagula dagaallamayo tacadiyadaas.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %