Muqdisho, November 10, 2013: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in siyaasadda manta ay riixeysp dowladda Soomaaliya ay tahay dalka oo mid ah, islamarkaana dowladda Soomaaliya ka taliso min Raas caseyr Ilaa Raas Kambooni.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladdu ka shaqeyneyso amaanka dalka, Islamarkaana ku dadaaaleyso sidii loo adkeyn lahaa midnimada.
“Siyaasada maanta aan riixeynana waa labo, kow in la helo Soomaaliya oo mid ah oo min raas caseyr ilaa raas kambooni ay ka taliso dowlad Soomaaliyeed, hadafka labaadna waxaa waaye Soomaaliya oo deggan in la helo, dhinac amni u deggan dhinac dhaqaale u deggan dhinac siyaasadeedna u deggan’’ ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud.
Wuxuu madaxweyne Xasan ka hadlay dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya ee dagaalka iyo barakacu ka mid yahay, wuxuuna xusay in dhibkaas badankiis ay abuureen dad Soomaali ah.
“Masaari geed ma gooyso ee geed kalaa ku gooya, Alqaacidda nooma imaan laheyn wiil Soomaaliyeed hadaanuu wadin, dagaalka sokeeye qabqablanimada iyo balaayada nooma imaan laheyn hadaanu wiil Soomaaliyeed wadin, dadkeenina intey badda galaan boqolaal boqolaal uguma dhiman laheyn hadaanuu mid yaroo dooni jaqafa wata aanuu baaso ka qaadanin, markad dhinac kasta ka eegto wax kastoo xanuun badan oo na gaaray anagaa sabab u aheyn’’ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha oo dhanka kale ka halday Alshabaab iyo Alqaacidda ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uusan ka dhaxeyn dhamaan Muslimiinta caalamka ama dalalka aduunka.
“Dalkan Muslimiintana kama dhaxeeyo, ummadaha aduunkana kama dhaxeeyo, Soomaaliyaa iska leh, qofkaan muwaadin Soomaaliyeed aheyn waa ajnabi, kuwa ajnabiga ah ee Alqaacidada ah ee dalkan yimid waan u caqli celeynaa oo waxaan leenahay dad iyo dal ayaa leedihiine aada, hadey diidaanna duruufteey ku aadi kahaayeen inaan keenno anagaa nalaga rabaa, laakiin kuwa Soomaalida ah meel kale oo aan u eryeyno malaha, qaska iyo balaayada aduunyada hala aadina dalkiina jooga oo noqda muwadiniin waxtar leh ayaan leenahay’’ ayuu sidoo kale yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasab Sheekh.
Mareeg.com