Madaxweyne Xasan “Shir madaxeedka IGAD waxaa lagu qabanayaa Muqdisho”

Read Time:39 Second

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shirka sanadlaha ee madaxda urur goboleedka IGAD lagu qaban doono Soomaaliya bisha March ee sanadkan 2015.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa tilmaamay in shirkii maanta Muqdisho ka dhacay ee ay ka qeyb-galeen wasiirrada arrimaha dibadda IGAD la isku afgartay in shirka madaxweynayaasha ururka lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ku boorriyay dadweynaha Soomaalida inay tageeraan dadaallada nabadda iyo horumarka ee ka socda gudaha dalka.

Shirka wasiirrada IGAD ee maanta lagu soo gabagabeeyay Muqdisho ayaa noqday kii ugu horreeyay oo caasimadda dalka lagu qabto muddo ka badan 20 sano.

Dowladda Soomaaliya ayaa dedaal xoog leh ugu jirta sidii ay usoo ceshan laheyd kaalintii ay ku laheyd beesha caalamka iyo ururada ay xubinta ka tahay.

Mareeg Media

 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.